torsdag 28 augusti 2014

Somaliska - Iswiidhan waa ay ka qaboobaaatey. Xiligii siyaasada diirdiiran.

Information från miljöpartiet på olika språk - Somaliska

Iswiidhan waa wadan aad u fiican. Halkan ayaa dad badan ku guuleysteen inay
riyadooda kaga dhabeeyaan. Waxaanu hore u wajahney carqaladaha mustaqbalka.
Laakiin sanadadii ugu danbeeyay ayay Iswiidhan noqotey mid qabow. Faraqa u
dhaxeeya dadka iyo cunsuriyada ayaa loo ogolaadan inay kobcaan. Faraqa u dhaxeeya
xaalada dhaqaalaha ee raga iyo dumarka ayaa kobcaaya. Siyaasiyiinta ayaa iska
dhaafay inay qaataan masuuliyadooda dadka iyo bay’ada. Waxaanu ognahay in dal
iska daayey inuu qof kasta u fiicnaado uu ku danbeeyo inuunu waxba ku
wanaagsanaan. Sidaas daraadeed waa xiligii la heli lahaa siyaasad ka bini aadansan
oo ka diirdiiran – waa xiligii la heli lahaa dawlad cusub.



Isbadelka cimilada ayaa ah carqadala ugu weyn ee wakhtigan. Markay
hogaamiyayaasha dunida u kulmaan kulanka sare ee cimilada ee Diisambar 2015 ayay
tahay inay Iswiidhan tusto inay suurto gala tahay in go’aan la gaadho yareeya qiiqa
la sii deynaayo oo heer la maareyn karo ka dhiga. Iswiidhan waa inay noqotaa wadan
casri ah oo hogaanka u qabta oo saameyn keena. Aduunku ma qaadi karo siyaasad
cimilada oo ay wadamadu isku eegayaan, ee waa in la bilaabaa. Siyaasiyiintu waa inay
ka diirdiiranaadaan oo aanay cimiladu kululaan

Iswiidhan waxa loo baahan yahay shaqooyin cusub, laakiin Isbahaysiga (Alliansen)
khadkooda shaqadu maa uu dhimin shaqo la’aantii. Laakiin waa ay kaba sii dartay oo
ay ka sii qaboobaatey noloshu dadka shaqadooda lumiyey ama bukoodey. Waxaanu
rabnaa inaanu maal galino shaqooyinka cimilada – tareenka oo wakhtigiisa ku baxa,
dib u habeynta xaafadaha banaanka iyo guryo tamarta keydsada oo cusub. Sanadka
2018 ayaa dad ka badani shaqo helo doonaan iyadoo dhalintu ay heli doonaan dariiq
waxbarasho ama shaqo. Taasi waa siyaasad ka bini aadamsan oo ka diirdiiran.

Dhamaan ardeyda waa inay dugsiga si niyad fiican u aadaan. Qaar badan waa inay u
han weyn yihiin shaqada macalinnimada iyadoo dadka ka shaqeynaaya dugsigu ay heli
doonaan barxadii ay ku sii horumarin lahaayeen xirfadooda iyo niyadooda hal
abuurnimo. Waa inaanay jirin dugsi wanaagsan iyo mid xun – dhamaan dugsiyadu
waa in ay ahaadaan qaar wada wanaagsan. Sanada 2018 waa inay qaar badani
dhigtaan xirfada macalinnimada, macalinku waa inuu wakhti u helo shaqadiisa iyadoo
ay ardeydu caawimo wakhti ku hesho. Taas badalkeedu waa siyaasad qabow oo
siyaayiin badan shaqada qabtaan oo guul uun la raadiyo waxaanu taas badalkayagu
wadnaa siyaasad diiran oo dad badan ka wada shaqeeyaan oo wakhti badan loo helo
ardey kasta. U ogolow in ardeydu dib u helaan macalinkooda.

Waxaanu anagu aanisan nahay inay suurtogal tahay in Iswidhan ay halkaa wada
tahay mustaqbalkeena oo uu kaasi ina midaynaayo dhamaanteen iyadoo aan loo
eegayn meesha aynu ka nimid, sideynu u eegnahay, waxeynu aaminsan nahay, waxay
galmadeenu tahay, intey da’deenu tahay ama sida uu qoyskeenu u eegyahay. Ka dib
sideed sano oo Isbahaysiga ayay tahay xili fiican oo dawlad cusub iyo siyaasad ka diiran
lagu helo.

Adigu waxaad ka qeyb qaadan kartaa doorshada volontar.mp.se iyadoo aad xubin
ka noqon doonto xisbiga Miljöpartiet ee mp.se/bli-medlem

Ku soo dhawow!


”Su’aasha cimilada waxa weeyi su’aashu aduunka aynu rabno inaynu uga tagno
carruurteena iyo carruurtooda. Waa degdeg in la dhimo qaaca la sii deynaayo,
laakiin weynu sameyn karnaa. Waxa weeye in si ka maskax fiican loo isticmaalo
tamarta, tareenada casriga ah- iyo gaadiidka dadweynaha iyo joojinta bulshada
ibbso oo tuurta ah. Waxaynu Iswiidhan ka dhigi karnaa mid aduunweynuhu ku
deydo oo masuuliyad qaadata oo dariiqa tusta.”

Åsa Romson

Waxaanu rabnaa:

  • l inay Iswiidhan dunida hogaanka u qabato shaqada si aynu duni ka wanaagsan uga tagno carruurteena
  • l sameeya si ay doorka cimiladu uu ka dhib yaraado ka jabnaado markasta. Tareenku waa inuu ka jabnaado diyaarada oo uu ka dheereeyo gaadhiga
  • l maal galiya shaqooyinka cimilada ee cusub – tareenka iyo baska, tamarta dib looga faa’iideysto, in dib loo habeeyo guryaha miljonprogrammet-ka, dalxiisayaasha degaanka u roon, dib uga faa’iideysiga iyo guridda

Gustav Fridolin

Waxaanu rabnaa:

  • l inay qaar ka badani doortaan inay macalimiin noqdaan. Macalinka waa in loo qiimeeyo sida mid ka mid ah xirfadaheeda ugu muhiimsan. Sidaas darteed waa in lacagta dawlada lagu isticmaalo si loo kordhiyo mushaharka
  • l in macalinku uu wakhti u helo uu ku ayaado macalin. Waxaanu dhimaynaa shaqada waraaqaha iyadoonu dad badan dugsiga u shaqaalaysiin
  • l in ardeydu ka helaan dugsiga. Waa inay jirtaa si ka fiican oo loo helo caafimaadka ardeyda iyo hide io dhaqan badan oo dugsiga.


Wax dheeraad ah oo siyaasadayada ah ka sii akhri bayaankayaga 
doorashada ama bogga mp.se.

Taariikhda 14 sibtembar ayaad ka mid noqon kartaa oo aad 
casriyey doontaa Iswiidhan.

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar